Af Soomaali - Boga Hore
Ururka guud ee dumarka muslimintaa, qeybta Finland ry.
Waa urur la aasaasey 2001 oo ka mid ah urur 1996 Sudan laga
aasaasay(The union of Muslim women).
Ururka dumarka muslimeed ee Finland ujeedoyinkiisa waxaa
ka mid ah:
- horumarininta howeenka muslimeed ruuxdooda iyo
indeergarashadooda ee nolosha wanaagsan.
- Gargaarka dumarka ajnabiga ah iyo sidey u dhaxgali
lahaayeen bulshada finishka iyagoon qofnimadooda islaamka weeyn.
- Adkeynta walaaltinimada ka dhexeeyso dumarka
muslimeed iyo dhaqanka islaamka.
- Kordinta aqoonta ay bulshada ka qabto Diinta Islaamka
- Ka hortaga xaq darada iyo dhaqan bi inta.
Ururka dumarka muslimeed ee Finland waxay daabacayaan
qoraalyo horumarinayaan nolosha wanaagsan ee dumarka iyo caruurta
muslimeed, waxay diyaarinayaan barnaamish sida: muxaadarooyin,
koorsooyin, iyo waxyaabo kale waxayna la shagaynayaan xaafisyo kala
duwan oo dowlada ku xiran.
|